War Deg-deg ah; Qarax ka Dhacay meel ku dhow Deegaanka Basra ee degmada Balcad

0
216

 

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ay la qaraxday miino dhulka lagu aasay mid kamid ah gaadiidka ciidamada.

Gaarigan oo la sheegay inu ahaa nooca loo yaqaano cabdi bile   oo katirsan ciidamada xooga qeybta 27aad  ayaa geytey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan askartii saarneyd gaariga miinadu la qaraxday ay noqdeen kuwo dhintey iyo kuwo dhaawacmay,balse ilaaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka xooga qeybta 27aad ee kusugan  degmada Balcad.

Deegaanada ka xiga dhinaca galbeed degmada Balcad ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan kuwaasoo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka waday howlgalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here