Joachim Löw oo ka hadlay xaalada Antonio Rüdiger ee kooxda Chelsea

0
483

Tababaraha haatan xulka qaranka Jarmalka ee Joachim Löw ayaa daafaca Chelsea ee Antonio Rüdiger uu sameeyay wax walba oo uu kaga tagayo Blues, laakiin uusan ku guuleysan.

Dhinaca kale Tababaraha haatan xulka qaranka Jarmalka ee Joachim Löw ayaa tilmaamay in Antonio Rüdiger uu markale isku dayi doono inuu sameeyo isla bisha January ee soo aadan.

Antonio Rüdiger ayaa ku biiray kooxda Chelsea xagaagii 2017, laakiin wuxuu ka baxay qorshaha tababare Frank Lampard, maadaama uu ku tiirsan yahay Thiago Silva iyo Kurt Zouma.

Daafacan reer Germany ayaa isku dayay inuu ka tago Chelsea intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhawaan la soo xiray, ayaa isku dayay inuu ka tago Chelsea intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana uu helay in ka badan hal dalab uu ku bixi karo, laakiin maamulka Blues ayaa diiday, si uu u sii joogo nadiga reer London xilli ciyaareedkan.

Wargeyska “Goal” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Joachim Löw, wuxuuna ka hadlay xaalada Antonio Rüdiger ee kooxda Chelsea wuxuuna yiri:

“Waxaan la socday xaalada ciyaartoyda maalmihii lasoo dhaafay, iyo wixii dhacay saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga”.

“Waxaan xiriir joogto ah la lahaa Rüdiger, wuxuuna horeyba u haystay seddex ama afar dalabyo dhamaadka usbuuca, laakiin nasiib daro waxba ma dhicin, waxaana qabaa inuu markale isku dayi doono bisha soo socota ee January”.

“Wuxuu isku dayay siyaabo kala duwan inuu uga dhaadhiciyo saraakiisha Chelsea inay fasaxaan, sababtoo ah tartanka Euro muhiim ayuu u yahay isaga, waxaana qabaa inuu markale isku dayi doono suuqa xilliga qaboobaha”.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here