Wasiir Maareeye: “Warbaahinta Dowladda waxaa loo bedelayaa nidaamka adeegga dadweynaha”

0
424

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa maanta furay munaasabad lagu daah furayo geedi socodka hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha sida uu dhigayo xeerka saxaafada ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

Wasiirka ,ayaa ku dhawaaqay in hada waxii ka dambeeyay ay warbaahinta dowladda loo bedelay nidaamka adeega dadweynaha,halkaasi oo ay soo xaadireen ururada bulshada,ururada saxaafada iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha xisbiyada siyaasada dalka,

“Warbaahinta dowladda waa inay ushaqeysaa sida kuwa caalamka waana u adeegi jirtay shacabkeed hase ahaatee cid walbo oo bulshada ka mid ah oo ka shaqeyneysa danaha dalka fikirkeeda waa gudbineynaa waana sababta uu madaxweyne Farmaajo uu u ogolaaday ayuu yiri wasiir Maareeye

Xubnaha ururada saxaafad,bulshada rayidka iyo xisbiyada ayaa soo dhaweeyay hase ahaate waxa ay ugu baaqeen hogaanka wasaaradda warfaafinta inay ka dhabeeyaan hirgalinta adeegga warbaahinta dadweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hore u saxiixay xeerka saxaafada, kaas oo kasoo gudbay labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here