Amnesty oo Madaxweyne farmaajo u dirtay walaac ay ka qabto Xeerka Saxaafadda

0
517

Hay’adda Xaquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujisay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal, sidoo kalena uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta, ee hay’adda Amnesty International  ayaa waxaa lagu sheegay inay welwel ka qabaan dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafada,waxaana Madaxweyne farmaajo ay ugu baaqeen in aan la dhaqan gelin Xeerka.

“Anaga oo ku hadleeyna magaca Hayadda Amnesty International, Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta, , waxaan kula  wadaageeynaa  welwelka la xiriira wax ka beddelka sharciga saxaafadda ee aad saxiixday in la dhaqan geliyo waayo waa mid dhibaato ku ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed”

Sidoo kale qoraalka Amnesty International  ayaa waxaa lagu sheegay in Urrurada Saxaafadda ay diiwaangeliyeen xannibaadyo adag oo la saaray saxaafadda iyo xuquuqda xorriyadda hadalka ee Soomaaliya sanado badan, isla markaana marar badan ugu baaqeen dowladda Soomaaliya inay abuurto jawi ku habboon sharciga oo loogu talagalay saxafiyiinta iyo ururrada saxaafadda inay ku shaqeeyaa kahor doorashooyinka qaranka ee lafilayo inay dhacaan dabayaaqada sanadka 2020 ama horaanta sanadka 2021.

Qoraalka Hay’adda Amnesty International oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in  balan qaadka dowlada ee ah in warbixin xor ah oo madaxbanaan ay si gaar ah muhiim u tahay. Abuuritaanka jawi ku habboon sharciga iyo amniga warbaahinta waa u baahan tahay tallaabooyin muhiim ah.

“Waxaan qireynaa talaabooyinka ay dowladaadu qaaday ilaa iyo hadda si loo wanaajiyo xuriyada saxaafada loona ixtiraamo xuquuqda xorriyatul qowlka ee dalka, gaar ahaan balanqaadkii aad muujisay  May 3, 2020 ee dib u eegista  aad Madaxweyne ku sameyneyso xeerka ciqaabta ayaa lagu yiri” Warbixinta Amnesty.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ka walaacsan nahay faallooyinka aad ka bixisay warbaahinta 26-kii Sebtember, mudane, oo aad ku andacoonaysay in saxaafaddu ay ku dhaqmayso xirfad-darro isla markaana ay suxufiyiinta qaar xiriir la leeyihiin  Al-Shabaab. Faallooyinka noocan oo kale ah waxay saxafiyiinta Soomaaliyeed, kuwaa oo durba ku shaqeeya xaalad kacsan, halis ugu jira aargudasho iyo wiiqida ballanqaadyadii wanaagsanaa ee laga sameeyay xorriyadda warbaahinta. Intaa waxaa dheer, sharciga cusub ee saxaafadda waxaa kaloo ku jira qodobo khatar ku ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xorriyadda hadalka.

Urrurada Saxaafadda Soomaaliya iyo wariyeyaasha ayaa dhowr jeer ooh ore waxaa ay walaac ka muujiyeen xeerka Saxaafadda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay ku jiraan qodobo khatar ku ah Warbaahinta iyo Wariyeyaasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here