Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta safarkiisii ugu horreeyay waxaa uu uga ambabaxay Magaalada muqdisho tan iyo markii la Magacaabay xilka, isaga oo kusii jeeda dalka Kuwait.
U jeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ayaa waxaa uu yahay in uu ka qeyb-galo tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii Bishii September ee sanadkaan.
Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulm doonaa Amiirka dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood.
Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordii ah loogu qabto dalkaas,waxaana ka qyeb-geli doona inta badan hoggaamiyeyaal ka socda wadamada Carbeed.