Ciidamada amniga Galmudug ayaa maantay hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Hobyo iyo agaagaarkeeda ku guulaystay In burburiyaan dhismayaal laga dhisay goobo dawladdu ay leedahay iyo dhisme kale oo laga dhisay dhul daaqsimeed horey looga mamnuucay In wax laga dhiso.
Goobta Ciidanka ay burburiyeen ayay kala wareegeen malmo ka hor maleeshiyaad hubeysan oo falal amni daro ka waday.
Guddoomiyaha degmada Hobyo, ku xigeenkiisa iyo xildhibaanno barlamaanka Galmudug ka tirsan oo horkacaya ciidamada Daraawiishta iyo Nabadsugidda oo taageero ka helaya waxgaradka iyo Bulshada Hobyo ayaa soo afjaray muran dhismayaal la xiriiray oo magaalada Hobyo ka taagnaa bilihii la soo dhaafay.
Dadweynaha reer Hobyo ayaa si weyn u soo dhoweeyey hawlgalka guulaystay ee ciidamada Amnigu ay hogaaminayaan.