Ciidanka Dowladda Oo Howlgal Maanta Ku Galay Degaano Ka Tirsan Galgaduud

0
418

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 1-5aad ee Taliska Qaybta 21-aad ayaa Maanta oo howlgalo amniga lagu xaqiijinayay ku gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Ciidanka dowladda ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala duwan SINADHAQO iyo GUNSAAR, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkaas oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalada ee Guutada Dhamme Cabdullaahi Cali Dhimbil ayaa waxaa uu sheegay in inta aysan tegin deegaanadaas ay Al-shabaab isaga baxeen, kadibna ay ka sameeyeen howlgalo.

Sidoo kale Dhamme Cabdullaahi Dhimbil ayaa tilmaamay in Ujeedka howlgalka laga fuliyay uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga SINADHAQO iyo GUNSAAR, isla markaana howlgalkaas uu sii socon doono.

Ciidamada Qalabka SIda ayaa shalay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxaana howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinaya amniga, kadib markii muddooyinkii lasoo dhaafay halkaas Al-shabaab ay wadeen dhaqdhaqaaqa Ciidan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here