11 qof oo lagu dilay DR Congo

0
453

Dagaal udhaxeeya ciidanka Dowlada Congo iyo Kooxa maleeshiyo ah ayaa galaaftay nolosha 11 qof, wuxuuna jabiyay heshiis nabadeed oo laga gaaray colaada ragaadisay waqooyi-bari ee dalka, sida laga soo xigtay ilo Katirsan Qaramada Midoobay .

Sida ay sheegtay idaacada UN-KA Rabshadaha ka dhacay gobolka Ituri ayaa waxaa ku dhintay , seddex askari, lix dagaalyahano maleeshiyada ah, iyo labo qof oo rayid ah.

Jabhadda Mucaaridka Wadaniga ah ee Gobolka Ituri (FRPI), oo ka mid ahayd dhaqdhaqaaqyo badan oo jabhadeed oo ka hawl gala bariga DR Congo, ayaa heshiis nabadeed la saxiixday dowladda 28-kii Febraayo ee sanadkan, iyadoo ay goob joog ka ahayd Qaramada Midoobay.

Heshiiska ayaa dhigayay xabad joojin iyo in dagaalyahanada FRPI lagu daro ciidamada, iyada oo la soo saaray sharci qabyo ah oo cafis siinaya mucaaradka marka laga reebo kiisaska dambiyada dagaal iyo kuwa ka dhanka ah aadanaha.

Dagaalka  ayaa la rumeysan yahay inuu qarxay, Kadib markii askarta  Dowlada ay rasaas ku fureen si ay u kala kaxeeyaan dagaalyahanada FRPI oo isku dayay inay weeraraan xarun taliska militariga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here