
Wargeysyada Ingiriiska ayaa waxay shaaca ka qaadeen horumar cusub oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka reer Serbia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Jovic, inta lagu jiro suuqan xagaaga.
Warbixinno dhowr ah ayaa lagu shaaciyay in Luka Jovic uu ka tagayo kooxda Real Madrid, maadaama la sheegayo in uu sidaas doonayo macalinka reer France ee Zinedine Zidane.
Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun”, Real Madrid ayaa dooneysa inay qaab amaah ah ku dirto Luka Jovic xilli ciyaareedkan, si uu dib ugu soo ceshado awoodiisii ciyaareed ee lagu aqiinay kahor inta uusan ku biirin Los Blancos.
Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Luka Jovic uu wakiilkiisa u sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester United, waxaana jira wadahadalo horumarsan oo u dhexeeya labada dhinac.
Warbixinta ayaa waxay intaas ku dartay in Manchester United ay bixin doonto mushaarka Jovic inta lagu jiro mudada amaahda.
Laakiin tababaraha Red Devils ee Ole Gunnar Solskjær ayaa doonaya inuu qeyb kaga dhigo heshiiskan qodob u ogolaanaya inay si toos ah u iibsan karaan Luka Jovic, kaddib dhamaadka xilliga amaahda ah.
Wargeyska “The Sun” ayaa sheegay in saraakiisha kooxda Real Madrid ay diidan yihiin fikrada ah inay si toos ah u iibiyaan Luka Jovic, kaddib dhamaadka heshiiska amaahda ah.