Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Mamulka Galmudug, kuwa NISA iyo Ciidamada Booliska Saldhigga Hobyo ayaa halwgal wadajir ah ka wada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Ciidamadan ayaa xalay hawlgalkooda bilaabay illaa iyo maantana si xiriir ah u wada, waxayna gacanta ku soo dhigeen kooxo qalqal amni iyo cabsigelin ku hayay Magaalada, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.
Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug waxaa ay sheegtay in howlgalka lagu qabtay dad ka Ganacsanayay maandooriyaha, halka kuwo kale ay weli Ciidamada ku raad joogo.
Ciidamada iyo Madaxda la socota waxay sii wadi doonaan hawlgalka illaa qofka u danbeeya kooxahaas gacanta lagu soo dhigayo isla markaana laga hortagi doono kuwa dhul boobka ka wada Magaalada Hobyo ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.