Kooxda Manchester City oo ku dhow inay la saxiixato daafac cusub

0
131

Wargeyska “Manchester Evening News” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Manchester City ay dooneyso inay la saxiixato daafaca reer Argantina iyo naadiga Ajax ee Nicolás Tagliafico, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Manchester City ayaa qandaraas la gashay daafacyo cusub xagaagan, sida Nathan Aké, iyo Rúben Dias si ay u xoojiso safka daafaceeda.

Kaddib ciyaartii ugu dambeysay kooxda Manchester City ee horyaalka Premier League ay la ciyaartay Leicester City, taasoo looga badiyay 5-2, waxaa lagama maarmaan u noqotay tababaraha City ee Pep Guardiola inuu isbedel weyn ku sameeyo safka dambe.

Wargeyska “Manchester Evening News” ayaa tilmaamay in tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola uu doonayo inuu la soo saxiixdo daafac kale oo cusub ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga ee xagaaga, waxaana ay u muuqataa in Nicolás Tagliafico uu yahay dookha koowaad ee tababaraha, si uu kaga ciyaaro booska daafaca bidix si uu u noqdo badelka French Mendy.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in heshiiska Nicolás Tagliafico lagu qiimeeyo adduun dhan 24 million euros, waana qiimo aad uga yar, lacagta ay City ku bixin laheyd haddii ay dhacdo inay u dhaqaaqdo soo xero galinta laacibka kooxda Bayern Munich ee David Alaba.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Nicolás Tagliafico ee kooxda Ajax uu dhamaan doono xagaaga 2022.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here