Faa Faahin Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

0
402

Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay ay degaanka Bariire weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Dowladda Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in sidoo kale labada dhinac ay is weeydaarsadeen tiro hoobiyeyaal ah oo mid kamid ah uu ku dhacay Guri ku yaalla degaanka Bariire,waxaana ku dhintay laba Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad isku qoys ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Goobihii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo kala duwan.

Saraakiisha Ciidamada Milalteriga Somaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose & khasaaraha ka dhashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here