Amazon iyo Big Tech waxay ku raaxeysanayaan xerada Biden iyagoo wata lacag iyo isku xirnaan

0
552

WASHINGTON (Reuters) – Iyadoo ay ku xardhan tahay  sawirka Joe Biden ee asalka ah, (Amazon.com Inc’s Jay Carney)’ ma uusan qarin taariikhdiisa dheer ee uu la leeyahay murashaxa madaxweynaha isagoo ka hadlaya siyaasad isweydaarsi siyaasadeed oo wareegsan inta lagu gudajiray shirkii xisbiga Dimuqraadiga ee bishii Ogosto.

Carney, oo ah madaxa guud ee siyaasadda iyo isgaarsiinta ee shirkadda Amazon, wuxuu tibaaxay boqolaal kun oo shaqo oo ay shirkadiisu abuurtay kuna soo biirtay madaxweynaha Microsoft Corp Brad Smith oo ah mid ka mid ah labada hoggaamiye ee shirkadaha teknolojiyadda ee doorka guud ku leh shirarka – isagoo ka hadlaya saamaynta ay ku yeelan karto Amazon on maamulka Biden haddii dimuqraadi ku guuleysto Aqalka Cad.

Amazon waxay umuuqataa inay horay uqaadatay hogaan samaynta wadooyinkeeda xerada Biden, sida lagu sheegay xogta ay ka soo aruurisay Reuters OpenSecrets iyo diiwaanada dhaqaalaha ololaha, oo ay weheliso wareysiyo lala yeeshay darsin daneeyayaal ah oo ay kujiraan kooxaha kahortaga kaligood-taliyayaasha, u ololeeyayaasha, kalkaaliyayaasha congress-ka, tartamayaasha iyo xildhibaanada.

Ku biirista Amazon, Alphabet-ka Google iyo Microsoft waxay ka mid yihiin shanta ugu sareysa ee wax ku darsaday guddiga ololaha musharaxnimada Joe Biden wareegga 2020, sida laga soo xigtay xogta OpenSecrets, oo ah degel internet oo lacag ku raadiya siyaasadaha iyo diiwaangelinta dhaqaalaha ololaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here