Al- shabaab oo Weerar Kuqaaday Saldhig Ay Kusugnaayeen Ciidamo Keenyaan Ah

0
400

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa u dhaxeeyay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab  & Ciidamo ka tirsan Kenya, waxaana uu ka dhacay degaannada Hoosingoow iyo Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaannada Hoosingoow iyo Kulbiyoow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Dadka deegaannada lagu dagaalamay ku nool ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale at kieren hoobiyeyaal ay isweey daarsadeen labada dhinac.

Majirto cid ilaa iyo hadda faah faahin Guud ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana degeennadii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Kenya oo kamid ah Ciidamada AMISOM.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaannada Hoosingoow iyo Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, balse Ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here