Wasiirka Maaliyada Puntland oo Hortagay Kulanka Golaha Wakiilada Puntland

0
96

Shirka 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Cabdirashid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad  Cabdi Casiis Cabdullahi Cusaman,ayaa waxaa hor-tegay Wasiirka Maaliyadda Maamulka puntland.

Fadhiga maanta ee Guddiga joogtada ah oo uu hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL Xassan Shire Abgaal ayaa wax laga weydiiyey cabashooyin ay Guddiga u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL.

Cabashooyinkaas oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo. Wasiirka Maaliyadda DPL ayaa faah-faahin ka bixiyey arrinta cabashooyinka ee la soo hor-dhigay, waxaana uu sheegay in aaney marna soo gaarin Xafiiskiisa wax cabasho ah oo ku saabsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL, balse waxa uu xusay inay kulmeen Hay’adda Qandaraas-bixinta iyo Iibka DPL uuna ka qanciyey cabashadii ay ula tageen.

Wasiirku waxa uu Guddiga u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay in uu ka qanciyo Hay’adaha ku shaqada leh cabasho kasta oo ay qabaan Hay’adaha kor ku xusan, ka dib waxaa Guddigu su’aalo ka weydiiyeen cabashooyinka ka soo gaarey Hay’adahaas.

Intaa ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxu arrintaas u magacaabay Guddi ka soo talo-bixiya soona lafa gura, Guddigana warbixin ku soo celiya fadhiga 5-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here