Puntland oo Wajaheysa Ayaxii ugu Badnaa oo Kusoo Duulay

0
173

Saacadihii la soo dhaafay waxaa degaano ka tirsan Maamulka puntland ku habsaday ayax farabadan ,kaas oo dhibaatooyin farabadan u geystay dhul daaqsimeed ku yaalla degaannada Maamulkaas.

Meelaha ugu daran ee Ayaxa uu ku habsaday ayaa waxaa kamid ah dhul daaqsimeed ku yaalla gobolada Nugaal iyo Bari, waxaana sidoo kale jira Beero dalagyo ay ka baxayeen oo uu baabi’iyay.

Qaar kamid ah dadka ku nool degaannada uu Ayaxa ku habsaday ayaa qeylo-dhaan waxaa ay u direen Madaxda Puntland, iyaga oo ka dalbaday in wax lag qabto maadaama uu ku haayo dhibaatooyin kala duwan.

Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay ku jirtay dagaal xoogan oo ka dhan ah Ayaxa, iyada oo caawin ka heleysay Hay’adda FAO,iyaga oo adeegsanaya qalab iyo dad loo tababaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here