Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa Maanta Kulankooda 28-aad ku yeeshay Xarunta Golaha,waxana Kulanka Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey
Xildhibanaada ayaa Maanta u codeeyey Heshiiska Iskaashiga Arimaha Waxbarashada Ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya & Jamhuuriyadda Turkiga
Dhinaca kale waxaa haatan Socdo Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaan Gelinta Dadweynaha Iyo Bixinta Aqoonsiga iyo Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga