Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya dhacdadii 22-kii bishan ka dhacday duleedka Ceelwaaq oo Ciidamo ka tirsan Kenya ay ku dileen dad rayid ah.
Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.
Waxaa sidoo kale guddiggaan la faray in ay si deg deg ah baaritaano ugu saameyaan dhacdooyinka Ciidanka Kenya ay ka wadaan Soomaaliya gaar ahan gobolka Gedo.