Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen’ Odowaa oo la kulmay taliyaha Howlgalka Midowga Yurub

0
330

 

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka.

Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here