Xoghayihii KMG ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka laga qaaday iyo Xoghaye cusub oo la magacaabay

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa u magacaabay Mucaawiye Sheekh Ibraahim   xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha isagoo xilka ka qaaday Cabdirisaaq Xuseen Aaden (Caato) oo muddo maalmo ah xilkaa hayay.

Lama oga sababta keentay isbedelkaan deg degga ah ah ee  ku yimid maamulka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, hase yeeshee Mucaawiye Sheekh Ibraahim ayaa waqti dheer ahaa ku-xigeenka xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha .

Is bedeladan degdega ah ayaa u muujineysa jahwareer ku yimid habsami u socodka howlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaaa muddo todobaad Xafiiska ku jiraa xaalad kala guur ah oo ka dhashay qaabkii si fowdada ku jirta xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore.

 

%d bloggers like this: