Afhayeenka Madaxtooyada Beesha Caalamka haddii ay hal qof maalgashaneysay, qofkii wuu tagay’

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, waxa uu gaashaanka ku dhuftay eedeymaha ka imaanaya beesha caalamka ee daba socda xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu sheegay in Beesha Caalamku ay tan iyo intii uu burburku ku dhacay dalka ahayd mid u taagan dowlad u dhisidda Soomaaliya, kaalin mug lehna ka qaadatay sidii dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh, taladeeduna ay Soomaali leedahay loo dhisi lahaa.

“Waxaan aaminsan nahay in dadaallada ay Beesha Caalamku sameysay ay meel fiican nasoo gaadhsiiyeen, walina nala garab taagan yihiin, laakiin waxaad ogaataa, haddii ay beesha caalamku rabtay inay qof maalgashato, oo ay awooddeeda isugu geyneysay, qofkii xukuumaddii uu hoggaaminayayba way tageen, balse haddii ay rabto in hay’ado dastuuri ah oo dhisan garab taagnaato, oo ay dhismahooda kasii qeyb qaadatana waxaa jooga madaxweynihii sharciga ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha magacaabay.” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa wata ayuu intaas ku daray: “Wali Beesha Caalamka way u furan tahay inay Soomaaliya kala qeyb qaadato dhismaha hay’adaha dowladda, oo ay ka mid tahay maxkamadda dastuuriga ah ee guddigeeda ay golaha Wasiirrada Magacaabeen. Marka waxaan Beesha Caalamka ka fileynaa inay garab istaagto dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, balse kama sugeyno inay xil ka qaadis ama xukuumad la kala eryay micno weyn noogu yeelaan.” ayuu yidhi.

 

%d bloggers like this: