Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United oo Garaacday Kooxda Aston Villa

Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa ku dhowaatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, kaddib markii ay Garaacday Kooxda Kubadda Cagta ee Aston Villa oo ay ku garaacday 3-0.

Guusha ay gaartay Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ay ku hoggaamiyeen Xidigaha Bruno Fernandes, Mason Greenwood iyo Paul Pogba ayey dhibic kaliya ugu jirsatay kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Leicester City, halka ay Chelsea oo saddexaad fadhidana laba dhibcood ka hoosayso.

Manchester United ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 27aad oo qalad lagu galay Bruno Fernandes uu isla isagu gool u beddelay, waxaana daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore gool qurux badan ugu labeeyey Mason Greenwood.

Qaybta labaad ayay Manchester United ku bilowday gool uu dhaliyey Marcus Rashford, laakiin waxa diiday garsooraha ciyaarta maadaama uu offside ku jiray Paul Pogba oo kubadda u qariyey goolhaye Pepe Reina, laakiin xiddiga reer France ayaa inyar kaddib goolka soo celiyey, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa. Aston Villa ayaa samaysay fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta, waxaana kubbad ay kasoo xoogsadeen Pogba oo badhtamaha garoonka joogay, waxaana bannaanka xerada ganaaxa goolka ka toogtay Trezeguet, taas oo iyadoo aanu De Gea taaban kusoo dhacday birta.

Daqiiqaddii xigtay ayay Manchester United jawaab ka bixisay halista la geliyey, waxaanay soo ciyaareen kubbad ay isku-dhiibeen oo ay si fudud dhinaca midig uga soo geliyeen xerada ganaaxa, taas oo dhawr taabasho kaddib uu laynka dushiisa ka helay Bruno Fernandes oo farsamooyinkii Zinedine Zidane u isticmaalay inuu kubadda iskugu kala wareejiyo Konsa oo xerada ganaaxa dhexdeeda lugaha uga qaaday. Garoore Jonathan Moss ayaa qabtay rikoodhe, waxaana go’aankiisa ku waafaqay VAR oo laga soo hubiyey.

Daqiiqaddii 38aad ayay Manchester United ku doodday in rikoodhe la siiyo, markaas oo Rashford uu kubbad kala soo galay dhinaca uu joogay Mings, hase yeeshee Luiz ayaa u muuqday inuu qabtay, laakiin garsooraha ayaa ku adkaystay in aanu qalad dhicin.

United ayaa ku dhowaatay inay goolka labaad dhashato ciyaarta oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana kubadda isku dhiibay Shaw iyo Martial oo isaguna kusoo karoosay kubbad xerada ganaaxa oo u dhow. Fernandes ayaa madax ku qabtay, laakiin way ka dallacantay.

Mason Greenwood ayaa kubbad uu ka toogtay masaafo 20 yard ah waxa uu ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka yahay Reina oo gaadhi kari waayay. Ka hor kubadda waxa isku soo dhiibay Martial iyo Ferrnandes oo usii gudbiyey Greenwood. Goolkan ayaa dhashay daqiiqaddii 2aad ee dheeraadka ah ee lagu daray qaybta hore.

Rashford ayaa kubbad ka soo leexiyey dhinaca bidix isaga oo si toos ah u toogtay goolka, waxaanay kasoo baxday goolhaye Reina laakiin waxa Pogba ayaa ku jira offside isla markaana u qariyey goolhayaha, halka la tuhmay inay kubadduna sii taabatay.

Daqiiqad kaddib goolka la diiday ayuu Paul Pogba kubbad uu ka toogtay masaafo 20 yard ah dhex dhigay goolka Aston Villa iyadoo aanu Reina is-dhaqaajin. Fernandes ayaa kubaddan uga soo dhiibay dhinaca midig.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Manchester United oo yeelatay 58 dhibcood, waxaana dhibic ka horreysa Leicester oo 59 dhibcodoo leh kuna jirta afraad iyo Chelsea oo 60 dhibcood ku fadhida kaalinta saddexaad.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

 

%d bloggers like this: