Kooxda Kubadda Cagta ee Liverpool Oo Garaacday Kooxda Brighton

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Amex Stadium.

Kulanka ayaa ahaa Mid ay Reds Si dar-dar leh ku dhamatay rabitaankooda guushana muujiyay isla daqiiqadii ugu horaysay ciyaarta.

Reds ayaan wax badan sugin goolka 1-aad iyaga oo daqiiqadii 6-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Liverpool oo aan halkaas ku joogsan ayaa daqiiqadii 8-aadba u Brighton u raacisay goolka 2-aad iyaga oo uu gool qurux badna u dhaliyay kabtanka Jordan Henderson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Brighton ayaa iska caabin samaysay iyaga oo Liverpool ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay dhawr jeer ku halis galiyeen Goolhaye Alisson iyo shabaqiisa.

Kooxda Martida loogu ahaa garoonka Amex Stadium ayaan ka daalin isku dayga goolasha ay doonayeen in ay ka dhaliyaan Liverpool.

Liverpool ayaa dhankeeda sii waday samaynta fursadaha iyaga oo ugu yaraan dhalin karay 2 gool oo kale marka loo eego fursadihii ay helayaan qaybta hore ee ciyaaarta.

Waxa daqiiqadii 45-ad u midho dhaliyay dadaalkooda iyaga oo dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu dhaliyay xiddiga Leandro Trossard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Daqiiqadii 76-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gool madax ah u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay sii dheeraysto hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ku gaadhay guul 3/1 ah iyaga oo gaadhay 92 dhibcood oo premier League ah

%d bloggers like this: