DEG DEG:- Qarax ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas lagu weeraray xarunta laanta ilaalada canshuuraha oo ku taalla dekadda Muqdisho.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha, balse waxaa qaraxa kadib rasaas xoogan laga maqlay halkaasi.

%d bloggers like this: