Kooxaha Barcelona Iyo Atletico Madrid oo ku kala Baxay Bar-bar dhac

Barcelona ayaa mar kale la hakiyay , waxa ayna bar bar dhac min laba gool ah wada galeen Atletico Madrid oo marti aheyd oo ay ku dhameysteen min laba gool ah , waxa ayna tani fursad hogaanka ay ku sii hayso siisay Real Madrid

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa qeybta hore soo bandhigay ciyaar isu dheeli tiran oo deg degsiimo leh xilli ay jireen fursado la qasaariyay waxaana taasi ku badnaa Atletico .

Atletico waxa ay ku wacnaayeen kubadaha rogaal celiska ah waliba halis ayay ahaayeen xilli goolhayaha Barcelona uu hor taagnaa waxa ayna Barcelona kulankaan ka sheeganayeen dal daloolo dhanka qadka dhexe ah

Goolka Atletico ka dhashay waxaa si qaldan isaga dhaliyay Costa waxa ayna aheyd daqiiqadii 11-aad balse Atletico gool rigoore ah ayay heleen waxaana saxiixay Saul Niguez daqiiqadii 19-aad

Naadiga Barcelona kubadda waa ay dadajinayeen aagga goosha Atletico-na waa gaarayeen illaa markii dambe Semedo lagu galay galad waxaana sidaas sameeyay Felipe, ka dib rigoore ayaa la dhigay waxaana si cajiib ah u dhaliyay Messi daqiiqadii 50-aad

Atletico , isma aysna dhiibin isku dayana waa ay sameynayeen xilli ay kubadda ay gaarsiinayeen aagga goosha Barcelona ilaa ciyaartooyda Barca galeen qalad waxaana sidaas sameeyay Semedo oo carqaladeeyay Yannick Carrasco , ka dib rigoore ayaa la dhigay waxaana daqiiqadii 62-aad saxiixay Saul Niguez .

Ugu dambeyn Ciyaartaasi ayaa Ku soo Idlaatay Bar bar dhac 2-2

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: