Kooxda Kubadda Cagta ee Man United Oo Guul Ay Qalantay Ka Gaartay Kooxda Brighton

Kooxda Man United ayaa guul dhinac kaliya ahayd oo ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa premier League iyaga oo cadaadiska sii saaray kooxda chelsea ee kaalinta 4-aad ku jirta.

Red Devils ayaa kulanka ku bilaabatay si maamul leh iyaga oo kubada si fiican uga haystay kooxda Brighton kuwaas oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Daqiiqadii 16-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0

Daqiiqadii 50-aad ayay man United sii dheeraystatay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo sidaas ku dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul ay u qalantay mar kalena ku muujisay awoodeeda ay ugu soo bixi karto champions League xilli ciyaareedka dambe.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: