Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed oo Magacaabay Guddoomiyayaal Gobal

Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir ayaa Magacaabay gudoomiyeyaal Gobal, iyadoo 8 ka mid ah 10-ka gobol ee dalka Suudaanta Koonfureed,  ka dib markii uu la tashi uu la sameeyey, Madaxweyne Ku-Xigeenka Dalka Suudaanta Koonfureed ee Riek Machar.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa waxa uu  kaloo u magacaabay kormeerayaal saddex degmo oo maamulaya.

Labada hoggaamiye ayaa laba toddobaad ka hor soo afjaray is qab-qabsi ku saabsan Xakameynta Dowlad goboleedyadii oo meel muhiim ah ka ahaa dowladda midnimada ku meel gaarka ah ee la dhisay bishii Febraayo.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Koonfureed  Xaunta uu Maamulo  ayaa loo qoondeeyay lix gobol  oo ay kujirto caasimada Jubba, halka Mr Machar loo qoondeeyay sedex gobol oo ay kujiraan gobolka ugu weyn ee saliida soo saara ee lagu Magacaabo Upper Nile.

Isbahaysiga Mucaaradka Koonfurta Suudaan waxaa loo qoondeeyay gobolka Jonglei.

Hoggaamiyeyaasha ayaa Xarun  walba waxay u xilsaaran Gudoomiyeyaasha uu soo Magacaabay madaxweynaha Dalka Suudaanta Koonfureed.

Gudoomiyaasha Gobolada Nile iyo gobolka Jonglei ayaa la magacaabay iyadoo labadaasi gobal ay dhexmartay  is afgaranwaa ka dhex jira Xarumaha ay Maamulaan.

Sideeda gudoomiye ee la magacaabay, ayaa waxaa ku jirta hal haweeney ah oo kaliya.

 

%d bloggers like this: