Fanaan Caan ka ahaa Dalka Itoobiya oo Xalay La Dilay

Wararka Imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegay in Xalay lagu dilay Caasimadda Addis Abba Heesaagii da’da yaraa ee si weyn looga yaqaanay Gudaha Dalka Itoobiya ee  Haacaaluu Hundeessaa.

Taliyaha Ciidamadda Booliiska Magaalada   Addis Ababa Getu Argaw ayaa xaqiijisay dilka , Wararka ayaa waxay Intaasi ku dareen in uu dhaawac soo gaaray loola cararay Isbitaal oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

  Warka ku saabsan dilkiisa ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Dalkaasi Itoobiya iyada oo dad badan oo Itoobiyaan ah ay u baroorteen geeridiisa, oo ay cambaareeyeen dilka.

Taliyaha Booliska Magaalada Adis ababa ayaa sheegay in dhowr qof loo qabtay tuhun ah in ay dilka ka dambeeyeen dilka.

%d bloggers like this: