Kooxda Real Madrid oo ka Badisay Kooxda Espanyol Kulan ka Tirsanaa Horyaalka Laliga

BARCELONA, SPAIN - JUNE 28: Casemiro of Real Madrid celebrates with teammates after scoring his sides first goal during the Liga match between RCD Espanyol and Real Madrid CF at RCDE Stadium on June 28, 2020 in Barcelona, Spain. (Photo by David Ramos/Getty Images)

Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid ayaa labo dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 1-0 ku dubteen kooxda Barcelona ka dhisan ee Espanyol oo marti loo ahaa.

Gool uu si qurux badan u soo dhigay Benzema islamarkaana uu dhaliyay Casemiro ayay Real Madrid ku badisay iyadoo guushaan ay ka saaciday inay labo dhibcood oo nadiif ah ka sareeyaan kooxda Barcelona oo barbaro kala kulantay Celta Vigo.

Los Blancos ayaa talaabo weyn u qaaday hanashada horyaalka La Liga iyadoo xilli ciyaareedka horyaalka ay ka harsan tahay lix kulan.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: