Isku Aadka Semi-finalka FA Cup-ka Oo La Soo Saaray

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka Wareega Semi-finalka tartanka FA Cup-ka kadib markii la ciyaaray wareega Quarter-Finalka tartanka.

Kooxaha Arsenal, Man United, Chelsea Iyo Man City ayaa isugu soo hadhay tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan

Kulamada Semi-final-ka tartanka ayaa la ciyaari doonaa Sabtida 18 bisha July ama Axada 19 bisha July ee soo socota.

Kulamada ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley iyada oo waliba lagu ciyaari doon bilaa taageerayaal sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Shaki la’aan kulamada ka soo bixi doona isku aadka ayaa noqon doona mid xiiso leh marka loo eego in dhamaan kooxaha isugu soo hadhay yihiin kooxaha ugu waaweyn England.

Sabti 18/07/2020 Man United Vs Chelsea
Axad 19/07/2020 Arsenal Vs Man City

W/Q Max1ed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: