Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Geeriyooday

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Sheekh Abuukar Macalin Rashiid oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay inuu muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, hayeeshee xanuunkii haayay uu u geeriyooday.

Geerida Xildhibaan Sheekh Abuukar Macalin Rashiid ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana uu sidoo kale ahaa wasiiru dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Hirshabeelle.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa Ehelada, qaraabada iyo guud shacabka Hirshabeelle uga tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Sheekh Abuukar Macalin Rashiid.

Qoraal uu soo saaray Daa’uud Xaaji Ciro ayaa qornaa sidan:

Anigoo ah Afhayeenka Dowlada HirShabeelle Daud Haji Cirro oo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka Golaha Wasiirada Guud ahaan Dowlada iyo Shacbiga HirShabeelle waxan tacsi u diraynaa xaaska carruurta Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay Allaha u Naxariistee Marxuum Xil. Wasiir Sheikh Abuukar Macalin Rashiid.

Marxuumka waxa uu kamid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada HirShabeelle iyo Wasiir dowlaha Wasaarada Dhaqan celinta Maleeshiyaadka HirShabeelle.

Marxuumka oo maalmahan dambe xanuunsanayay ayaa Saacado ka hor ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Waxan Allaha awoodda badan uga baryeynaa inuu jannadiisa fardowso ka waraabiyo,samir iyo iimaanna naga wada siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

%d bloggers like this: