R/Wasaaraha XFS oo Hakiyey Heshiisyadii Mashruucyadii la kala Saxiixday

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hakiyay Mashuuricii dhismaha Wadooyinka ee ay saakay kala saxiixdeen Wasiiradda maamul goboleedyadda ee dhanka Maaliyadda, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshadda qabsaday sababta looga tagay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada.
Amarka waxaa lagu sheegay in Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada

%d bloggers like this: