Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Guusha Boris Johnson

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas.

Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Boris Johnson & Dowladdiisa ay yihiin Saaxiibo muhiim u ah Soomaaliya ayna garab taagan yihiin.

”Guusha doorashada. Boqortooyada Midowday (UK) waa saaxiibo muhiim ah oo saaxiibo la ah Soomaaliya, hogaamiyaha Boqortooyada Ingiriiska, waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno si aan u sii xoojino xiriirka labada dal ayuu yiri”Madaxweyne farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada UK Boris Johnson ayaa Magaalada Muqdisho booqasho ku yimid 15-kii Bishii Maarso ee Sanadkii 2017,isaga oo xiligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda UK,waxaana uu la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

%d bloggers like this: