Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulankiisa furintaanka tartanka Cecafa Senior Challenge maanta wajahaya Jabuuti

Xulka Kubadda Cagt  qaranka Soomaaliya ayaa maanta Ciyaaraya kulankiisa ugu horreeya ee tartanka Cecafa Senior Challange Cup, isagoo wajahay xulka Kubadda Cagta ee Jabuuti.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan maadaama labadan dal ee dariska ah uu waddan waliba doonayo inuu guul ku furto tartanka Cecafa.

Xiddigaha Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa badi laga keenay dalka dibaddiisa, halka afar ciyaartoy laga waday horyaalka Somali Premier League, taasoo kuu muujinaysa in sanadkan xulka aad loo adkeyay.

Labadan xul sanadkan guddihiisa ayey kulan saaxiibtinnimo wadaCiyaareen, waxaana 1-0 ku badisay xulka Jabuuti, waxaana kulankooda maanta uu ka dhacayaa garoonka KCCA GROUND halka la yiraahdo Lugogo ee dalka Uganda.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: