Ciidamo Badan Oo Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Ku Biiray Maamulka Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa Deegaanka Taleex ee Gobolka Sool ku soo dhaweysay ciidamo badan oo ka soo goostay Maamulka Puntland, kuna soo biiray Maamulka Somaliland.

Ciidamadan ay soo dhaweysay Somaliland ayaa tiradoodu waxay dhameyd ku dhawaad 150-askari oo ay la socdeen gawaarida iyo agab kale oo dagaal, iyagoona si rasmiya ugu soo biiray Maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ciidamadaasi si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Taleex, kuwaasi oo uu hogaaminayay Gaashaanle sarre Cali Diiriye Baale.

Somaliland iyo Puntland ayaa iyagu inta badan waxay soo bandhigaan ciidamo kala taabacsan oo ka soo kala goosta labada dhinac, xili ay weli taagan-tahay xiisada dagaal ee labada dhinac ee deegaanada gobolka Sool.

%d bloggers like this: