Kooxo hubeysan oo Weerar Ku Qaaday Kaniisad Ku Taal Dalka Purkino Faso ee Galbeedka Afrika

Ugu yaraan 14 qof ayaa la dilay kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen kaniisad ku taal Burkina Faso.

Dhibbanayaashu waxay ka qayb qaadanayeen adeeg ku yaal kaniisad ku taal Hantoukoura, oo ku taal qaybta bari ee waddanka maalintii Axadda.

Aqoonsiga ragga hubeysani lama garanayo iyo sababta keentay inay weeraraan Kaniisadaasi.

Boqolaal dad ah ayaa lagu dilay Dalka Burkino Faso oo Dhaca Galbeedka Afrika, sanadihii la soo dhaafay, inta badanna kooxaha jihaadiyiinta ah ayaa weerara, taasoo kicisay xiisadaha qowmiyadaha iyo diinta gaar ahaan xadka ay la wadaagaan Dalka Burkino Faso ee  Maali.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Burkino Faso ayaa lagu sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka lagu soo qaaday Kaniisadaasi.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in shaqsiyaad hubeysan ay fuliyeen weerarka, iyagoo “toogtay Dadka halkaasi oo ay ku jiraan wadaado iyo caruur”.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, 15 qof ayaa ku Geeriyootay laba kalena si xun ayaa looga dhaawacay weerar lagu qaaday masaajid.

Weerarada Jihaadiyiinta ayaa ku kordhay Dalka Burkina Faso tan iyo sanadkii 2015, taasoo ku qasabtay kumanaan iskuulo albaabada la isku dhuftay inay.

Khilaafka ayaa ku fiday Xuduuda Wadanka Maali ee dariska la ah Dalka Burkino Faso halkaasoo ay dagaalyahanada Islaamiyiintu la wareegeen woqooyiga wadankaasi sanadkii 2012 kahor inta aysan ciidamada Faransiisku ka saarin.

%d bloggers like this: