Natiijooyinka Kulamadii Xalay laga Ciyaaray Tartanka Europa League

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa Guuldarro kala kulantay Naadiga Eintracht Frankfurt oo marti ugu aheyd Garoonka Emirates Stadium, kaddib markii loogu awood sheegtay 1-2, kulan ka tirsanaa Kulamada Wareega Group-yada ee Tartanka Europa League

Daqiiqadii 45-aad ee dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta kooxda Arsenal ayaa hogaanka u qabatay Ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkaasi ka caawiyay Gabriel Martinelli.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad kooxda Eintracht Frankfurt ayaa heshay goolka barbaraha waxaana Ciyaarta 1-1 ka dhigay Daichi Kamada,.

Daqiiqadii 64-aad kooxda Eintracht Frankfurt ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-2 ka dhigay Waxaana Dhaliyey Ciyaaryahan Daichi Kamada.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay guusha ku raacday kooxda Eintracht Frankfurt oo marti ku aheyd Emirates Stadium

GROUP A

F91 Dudelange 0 – 2 APOEL Nicosia

Sevilla 2 – 0 Qarabag FK

GROUP B

Lugano 0 – 1 FC Koebenhavn

Malmoe FF 4 – 3 Dynamo Kyiv

GROUP C

FC Krasnodar 1 – 0 Basel

Trabzonspor 0 – 1 Getafe

GROUP D

Rosenborg 1 – 2 LASK

Sporting CP 4 – 0 PSV Eindhoven

GROUP E

Celtic 3 – 1 Rennes

Lazio 1 – 0 CFR Cluj

GROUP F

Arsenal 1 – 2 Eintracht Frankfurt

Vitoria de Guimaraes 1 – 1 Standard Liege

GROUP G

Feyenoord 2 – 2 Rangers

Young Boys 1 – 2 FC Porto

GROUP H

CSKA Moscow 1 – 1 Ludogorets Razgrad

Ferencvaros 2 – 2 RCD Espanyol

GROUP I

Oleksandriya 0 – 1 Wolfsburg

Saint-Etienne 0 – 0 Gent

GROUP J

Istanbul Basaksehir 0 – 3 Roma

Wolfsberger AC 0 – 1 Borussia Mönchengladbach

GROUP K

Besiktas 2 – 1 Slovan Bratislava

SC Braga 3 – 3 Wolverhampton Wanderers

GROUP L

FC Astana 2 – 1 Manchester United

AZ Alkmaar 2 – 2 Partizan Beograd

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: