AKHRISO:- Cyaarihii Xalay Ka Dhacay Qaaradda Yurub ee Champions League

Waxaa Xalay la ciyaaray kulamada Shanaad heerka group-yada tartanka Xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii Xalay Ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen Kooxaha Juventus, Machester City, Bayern München, Atletico Madrid, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa dhibcaha ku kala qeyb saday garoonka Santiago Bernabeu, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, labada gool kooxda Martida loo ahaa ee Real Madrid waxaa u dhaliyay Karim Benzema, halka PSG ay kaga mahad celineyso Kylian Mbappe iyo Pablo Sarabia

Sidoo kale Kooxda Juventus ayaa guul muhiim ah kaga gaartay Garoonka  Allianz Stadium naadiga ka dhisan Caasimada Spain ee Atletico Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, waxaana goolka u dhaliyay kooxda Javentus xiddigooda reer Argantina ee Paulo Dybala.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa soo laabasho cajiib ah sameysay waxayna 4-2 kaga adkaatay naadiga Olympiacos, waxaa goolasha u dhaliyay Spurska Harry Kane oo 2 gool ah, Dele Alli iyo Serge Aurie.

 

 

GROUP A

Galatasaray 1 – 1 Club Brugge

Real Madrid 2 – 2 Paris Saint-Germain

GROUP B

FK Crvena Zvezda 0 – 6 FC Bayern München

Tottenham Hotspur 4 – 2 Olympiacos

GROUP C

Atalanta 2 – 0 Dinamo Zagreb

Manchester City 1– 1 Shakhtar Donetsk

GROUP D

Lokomotiv Moscow 0 – 2 Bayer Leverkusen

Juventus 1 – 0 Atletico Madrid

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: