Kooxaha Todobaadkan Sida Rasmiga Ah Ugu Soo Bixi Kara Wareega 16-ka Champions League

Kooxaha Juventus, PSG Iyo Bayern Munich ayaa ah kooxaha wakhti hore goostay tigidhkooda wareega 16-ka ee tartanka champions League.

Waxa caawa Bilaabmi doona kulamadii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League iyada oo la ciyaari doono caawa oo salaasa ah iyo habeen dambe oo Arbaca ah.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa kooxaha xaqiiqsan kara booskooda wareega 16-ka ee tartanka champions League todobaadkan.

Group A:

Kooxda Real Madrid ayay kaliya guul ka xigtaa in ay u soo baxdo wareega 16-ka champions League iyaga iska xaadirin doona wareega xiga hadii ay garaacaan kooxda PSG.

Laakiin Hadii ay Real Madrid guuldaro kala kulanto kooxda PSG sidoo kale kooxda Club Brugge garaacdo kooxda Galatasaray Waxa dib u dhacaysa u soo bixista Real ee wareega xiga.

Group B:

Kooxda Tottenham ayaa iyadu Group-kan u soo bixi doonta wareega xiga hadii ay guul ka gaadho kooxda Olympiacos ama ay bar-baro gasho sidoo kale Bayern Munich guul ka gaadho kooxda Red Star.

Group C:

Kooxda Man City ayaa iska xaadirin doonta wareega xiga ee 16-ka hadii ayna guuldaro kala kulmin kooxda Shakhtar ama ay Kooxda dinamo zagreb garaacdo kooxda Atalanta.

kooxda Shakhtar ayaa iska xaadirin karta wareega xiga hadii ay garaacdo Man City sidoo kale Dinamo Zagreb guuldaro kala kulanto kooxda Atalanta.

Group D:

Kooxda Atletico Madrid ayaa dhankeeda u soo bixi karta wareega Xiga hadii ay ka badiso Juventus ama ay dhamaan kulamada Group-kan ku dhamaadaan bar-baro.

Group E:

Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirin doonta wareega Xiga hadii ay guul ka gaadho kooxda Napoli halka hadii ay Salzburg guuldaro kala kulanto Genk ay Liverpool ku soo bixi doonto kaalinta 1-aad.

Dhanka Kale Napoli ayaa iska xaadirin doonta wareega xiga hadii ay ka badiso Liverpool ama ay Genk Ka Badiso Salzburg.

Group F:

Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirin doonta wareega xiga hadii ay ka badiso kooxda Borussia Dortmund ama ay kulamada Group-kan ku dhamaadaan bar-baro.

Dortmund ayaa dhankeeda iska xaadirinaysa wareega xiga hadii ay ka badiso kooxda Barcelona halka ayna Inter Milan gudbi doonin hadii ay guuldaro kala kulanto kooxda Slavia Prague.

Group: G:

Kooxda RB Leipzig ayaa iska xaadirin doonta wareega xiga hadii ay iska ilaaliso guuldaro ka soo gaadha kooxda Benfica ama ayna kooxda Zenit ka badin kooxda Lyon.

kooxda RB Leipzig ayaa ku soo bixi doonta kaalinta 1-aad hadii ay badiyaan ama ay Lyon guuldaro la kulanto.

Group H:

Kooxda Chelsea ayaa u soo baxaysa wareega xiga hadii ay ka badiyaan kooxda Valencia halka ay Valencia u soo bixi doonto wareega xiga hadii ay ka badiyaan Blues.

Halka Ajax hadii ay guul ka gaadho kooxda Lille oo ay Chelsea iyo Valencia bar-baro galaan ay iyaduna soo bixi karto.

W/ Maxed Xasan Nuur Jillibeey

%d bloggers like this: