DEG DEG:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Boosaaso ee Gobalka Barri

Wararka laga helayo Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi laga maqlay jugta qarax  ka dhacay meel u dhow Hotelkii hore ee Ramaada ee Magalada Boosaaso.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miino dhulka la geliyay,isla markaana lala eegtay Gari halkaasi marayay oo wararka qaar ay sheegayaan in uu lahaa wasiirkii hore ee Qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax.

Waxaa jira khasaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas,hayeeshee aan si rasmi ah loo cadeyn Karin,waxaana Goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland,kuwaas oo wada howlgallo baaritaano ah.

%d bloggers like this: