Al-shabaab oo Dil Toogasho Ku Dilay Oday Isku Guursaday Gabadh & Hooyadeed

Warbaahinta Ku Hadasha Afka Al-shabaab ayaa Baahisay in ay goob fagaaro ah ku toogteen Oday 75 jir ah ee Deegaanka Tooratorow.

Abshir Maxamed Cabdi ayaa Kooxdani Gacansaarka la leh Al-qaacida ee Ka Dagaalanta Qeybo Ka mid ah Afrika ayaa ku Eedeysay inuu Cadeey Manuur Khaliif iyo Hooyadi Dhashay Cadey oo lagu Magacaabo Xaawo Cabdi Bille isku Guursaday.

Sida Laga soo Xigtay Warbixintan, Cabdi ayaa inkiray inuu falkani Sameeyay iskuna dayey sida ay sheegeen inuu ka baxsado Deegaanka.

Balse Warfidiyeenada uma aysan bandhigin hadii ninka la toogtay uu helay qareen difaaca. Sidoo kale Sirdoonka Soomaaliya Kama aysan Hadlin Arintani.

Goobta Xukunka lagu Fuliyey ayaa Goobjoog ahaayeen Dadyow Farabadan ee Deegaanka taasi oo looga bartay Al-shabaab inay isugu yeeraan inta badan Marka ay dhaceyso Midani oo Kale.

Kooxahani ayaa Dilal Toogasho, Garbaashid iyo Gacan-gooyso ku Fulisa Dadka ay sheegaan in ay ku heleen Falal Dambiyeedyo la xiriira Jawaasuusnimo iyo Tuuganimoba.

Hay’adaha u Dooda Xuquuqda aadanaha ayaa aad u cambaareeya iyagoo Kolba uga Diga Dadyowga Caalamka Khatarta ay leeyihiin Kooxda Al-shabaab iyo Qeybo Kale ee ay xiriiro Caalami ah leeyihiin.

W/Q: Cabdulqaadir Maxamed Cumar(Siiriya)

%d bloggers like this: