Dhacdooyinka Dunida Mid ka Mid ah: Maxaad Ka Taqaanaa Askariga Cunay 40-ka Mindiyadood.

Dalka Hindiya oo Ka Mid ah Meelaha ugu Badani Caalamka ay Ka Dhacaan Dhacdooyinka Diiwaanka Ka Gala Dunida oo Qaarkoodba Fajac iyo Argagax Gelisa Dadyowga kale ee ku Nool Dunida inteeda kale.

Surjeet Singh waa askari Ka Tisan Ciidama Baliiska Dalka Hindiya, Waana 42 Jir Cunay 40 Mindiyadood.

Cisbitalka Corporate ee Ku Yaalla Deegaanka Armistar ee Dalkaasi oo Qaliin Caloosha ah u Sameeyay Surjeet Singh ayaa Lagu Sheegay in Calooshiisa Laga Soo Dhex Saaray 40-Mindiyadood.

Surjeet ayaa dhowaan Waxa uu Ka Cabanayay siduu sheegay Dhanka Caloosha oo Xanuun uu ka dareemayay Balse Mar Dhakhaatiirta Isbitalka Baaritaano ay ku sameeyeen ayaa lagu sheegay in Ninkani Caloosha ay kasoo dhex muuqdeen Waxaan abid la arag.

Waxaa uu sheegay Surjeet Mar uu u waramayay Wakaalada Guardian in uu macaansanayay cunista Mindiyaha balse aanu ku fakireynin in dib dambe ay arintaasi saameyn doonto Caafimaadkiisa.

Surjeet oo muddo 5 saacadood iyo ka badan ku jiray Qaliin, ayaa Ugu Dambeyn lagu guuleystay Waxuuna sheegay in uusan dib dambe ugu laabaneynin khatartani halista gelisay naftiisa.

Dhacdooyinka dunida ayaa ah kuwo isdaba yaal sanadba sanadkiisa kala e balse arintani ayaa waxay layaab iyo fajac ku noqotay dadka deegaanka iyo caalamka meelo ka mid ah oo ilaa imika aanu aaminsanayn balse shaqsiyadiisa ayaa aad uga duwaneyd dadka kale ee diiwaanka ka gela Taariikhda dhanka Dhacdooyinka Sanadlayaasha ah ee Dunida.

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Surjeet singh knives

W/Q: Cabdulqaadir Maxamed Cumar(Siiriya)

%d bloggers like this: