Waa Maxay Jecel ?? Iyo Suaalo kale Kaga Bogo Warbixin Wariye Jacfar

1:- jacayl waa dareen xanbaarsan guur xalaal ah iyo wada noolaansho raxmo leh oo aan marna lays saluugayn.

2:- waa maxay kalsooni?
2:- sidaan filaayo kalsooni waa lawada garanayaa waa ta isku keenta laba qof waana tan kugu dhiiri gelisa in aad ruux la sameysid xidhiidh jacayl naftaadana ku aamintid.

3:- waa maxay xishood?
3:- xishoodku waa shay aad u wanaagsan badanaan qofka xishooda wuu ka dhex muuqdaa dadka kale hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo kelmada xishood waa sida tan:-
xishood waa ka sababa in wiilka ama gabadhu sameeyaan jacayl dhab aha waayo dadka qofba qofkuu ka xishood badan yahay ayuu ka heli ogyahay jacaylka dhabta ah iyo nolol wanaagsan.

4:- Maxay dhalin yarada is jeceli u yidhaahdaan la’aantaa ma noolaan karo?
4:- waxay u yiraahdaan si jacaylkoodu dhadhan iyo daneyn u sii yeesho qofka uu jecelyahayna aanu ka xiiso go’in.

5:- ma marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylku yimaadaa mise marka jacaylku yimaado ayuu ka helitaankuna yimaadaa ?
5:- su aaashan sidaan filayo waa lawada garanayaa waayo marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylkuna yimaadaa soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan.

6: waa maxay dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylka?
6:- dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylku maaha wax aynu halkan ku soo koobi karno waxaa tusaale wanaagsan inoogu filan dhaawaca soo gaadha lamaanayaasha is jecel marka ay ku midoobi waaayaan nolosha.

7:- dadka ma ku waanin lahayd in ay jacayl dhab ah sameeyaan?
7:- haa waan ku waanin lahaa sababtoo ah qof walba wuxuu jecel yahay in uu aabe/hooyo noqdo waxaana lagu gaari karaa in hesho qofkii noloshaada si dhaba kuula qaybsan lahaa.

8:maxaa sababa in qof, qof kale u ilmeeyo hadii uu ka diido jacaylkiisa?
8:- waxaa aaminsanahay inay sababaan dhaawac iyo dareen culus oo ka soo gaadha qalbiga marka uu ku guul dareysato jacaylka dhabta ah ee uu soo bandhigay.

9:ma jeclaan lahayd in daawo loo helo jacaylka adigu se maxaad daawo uga dhigi lahayd hadii laguu keeno qof jacayl hayo?
9:- waxaa hubaala jacaylku dawadiisu tahay in qof kastaa oo jacayl hayo uu hantiyo qalbiga qofka dagan oo uuna la qaybsado nolosha macaankeen, hadii la ii keeno qof jacayl hayo hadii la ii keeni lahaana waxaan ku dadaali lahaa qofka hantiyey qalbigiisa inaan ku caawiyo siduu ku heli lahaa hadiise aysan dhicin oo aan ku guul daraystana waxaa hubaala inaan ka caawin sidii aan xusuustiisa uga tirtiri lahaa aniga oo ku maaweeliyana waxyaabo uusan marnaba ku soo xasuusan qofkaas.

10:- adiga oo qof jecel hadii wiil ama gabadh kuu yimaadaan kuuna sheegaan in ay jacayl dhab ah kuu hayaan qofka aad jeceshahay kaana codsadaan in aad jacaylkooda tix geliso maxaad sameyn lahayd?
10:- runtii tixgelintu waa wanaagsan tahay laakiin sidaan filaayo ma jiro wax walba oo dhaca qof jacaylkiisa is dhaafin lahaa taana waxaa tusaale inoogu filan cilmi boodhari waxaa helay jacayl dhab ah hodan in dartii loo soo furan way suurto geli weyday.

11:- hadii aad jeclaatid inan/inan misana si lama filaan ah walaasheed/walaalkeed ama inan/inan ka mida ah qoyskeedu/qooyskiisa kuugu soo bandhigato jacayl maxaad sameyn lahay?
11:- waxaan aaminsanahay laabi labo ma leh qofka aan jeclahay marka hore inaan gaarsiiyo jacaylka aan

 

or post with:
%d bloggers like this: