Haweeney Ka Mid Ahayd Ergadii Doorashada Xildhibaanada Federalka oo Muqdisho Lagu Dilay

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Baxsan Boolaay ayaa ka mid ahayd ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay mid kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkan lagu diley haweeneydan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay nin dhalinyaro ah oo joogay meel aan ka fogeyn.
Kooxdii ka dambeysay dilkan ayaa goobta ka baxsaday, waxayna wararku sheegayaan in Baxsan Boolaay oo caan ka ahayd degmada Boondheere ay ku sugneyd meel aan ka fogeyn guriga ay ka degeneyd degmada Boondheere.
Dilalka ergadii ka qeybgashay doorashadii xildhibaanada dowlada federalka ayaa ku soo badanaya magaalooyinka dalka waxaana dhowaan ka badbaaday haweeney degeneyd degmada Wadajir kadib markii labo dhalinyaro ah oo dooneysay inay dilaan ay bastooladihii ay wateen ay u dhici waayeen.
Hase yeeshee labada ruux ee doonayay inay dilaan haweeneydaas ayaa waxaa gacanta ku dhigey ciidamada ammaanka iyagoo haatan sugaya in maxkamad la soo taago.

Xafiiska Shabakada Allbalcad.com
Muqdisho Somalia
Allbalcadonline@gmail.com

%d bloggers like this: