(Daawo)Dowladda Kenya oo Soo Bandhigaty Meydad ka Ragii Geystay Warerkii Hotel Dusit

Waxaa la soo bandhigay Meydadka qaar ka mid ah dableydii hubeysneyd ee shalay gelinkii dambe gudaha u galay Hotelka DusitD2 oo ku yaalla degaanka Westland ee magaalada Nairobi

Dowlada Kenya ayaa goor dhow shaacisay inuu dhamaaday howlgal saacado badan qaatay oo lagu soo afjarayey weerarkan, lana laayey dhamaan dableydii soo qaaday weerarka.

Afar dabley aad u hubeysan oo gudaha u soo galayay Hotelka ayaa bilaabay toogasho sida ay muujisay Kaamirada Qarsoon ee loo yaqaano CCTV.

Booliska ayaa wada baaritaano ku aadan ragga weerarka geystay, waxaana goobta weerarka lagu arkay khubarada aqoonta u leh baaritaanka faraha.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay qoryo iyo qalab kale oo ay wateen raga weerarka soo qaaday oo u muuqdal kuwo muddo si weyn loo soo diyaariyey.

Xafiiska Shabakada Allbalcad.com
Muqdisho Somalia
Allbalcadonline@gmail.com

%d bloggers like this: