Xasan Cali Kheyre oo dib ugu soo Laabtay Magaaladda Muqdisho

0
41

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib muddo badan oo uu dalka dibediisa ku noolaa

Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle si diiran ugu soo dhoweeyey Masuuliyiin, xildhibaano, saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Somalia iyo qeybaha bulshada.

Khayre ayaa la sheegay inuu u yimid Muqdisho qeyb galka shir maalmaha soo socda ay yeelanayaan qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka tirsanaa Midowgii Musharaxiinta.

Waxaa la filayaa ka hor shirkooda inay la kulmaan Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka, si ay ula wadaagaan aragtidooda ay ku diidan yihiin hannaanka dhameystirka Dastuurka iyo qorshaha la doonayo in wax looga bedelo Nidaamka Madaxtinimada ee dalka.

Xasan Cali Khayre oo la soo shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa raisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maray dowladihii talada dalka isaga dambeeyey 20kii sano ee la soo dhaafay, isagoo sidoo kale ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Somalia doorashadii dhacday sanadkii 2022 ee ku guuleystay Madaxweynaha talada haya Xassan Shiilkh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here