SAWIRRO:-Ciidamadda Kumaandooska Danab iyo Kuwa Maamulka Jubbaland oo Howgallo ka Sameeyey Deegaano hoostagta Gobalka Jubbadda Hoose

0
65
Ciidanka kumaandooska Danab, Ururka 5-aad guutada 16-aad ee Maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan oo lagula Dagaalamayo Ururka Al-Shabaab ka sameeyey deegaanada Qudus, Yaaq-dabayl, Sariiraha, Aboodinka iyo Barja oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose.
Deegaanadan ayey Shabaabku ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee halkaas ku nool, Waxayna ku lahaayeen fariisimo iyo goobo ay gabaad ka dhigtaan balse Ciidanka Danab oo ka war helay ayaa si degdeg ah uga jawaabay iyagoo burburiyey fariisimihii ay halkaas ku lahaayeenUrurka Al-Shabaab.
Howlgalka intii uu socday waxay Ciidanku ku gubeen gaari uu lahaa horjooge lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gaagaale oo ka tirsan Al-Shabaab isagana wuxuu faro cidi leh uga baxsaday Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida uu warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee Danab Gaashaanle Carab Dheex Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here