SAWIRRO:- Guddomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Shir-Guddoomiyey Kulanka Baarlamaanka

0
99
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 21-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa ajandeynta hindise sharciyeedyada la horgeynaayo Golaha.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalita Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay habraaca dastuurka, iyadoo kulanka warbixin looga dhageystay guddiga kasoo tala-bixinta wax ka bedelka iyo kaabista dastuurka KMG ah ee JFS.
Dhanka kale guddiga ayaa dood ka yeeshay war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo lagu balamay in ajandaha lagu soo daro kulanka soo socda ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.
Gunaanadka kulanka Guddiga Joogtada oo saacado qaatay ayaa lagu lafa guray arrimaha dastuurka, war-murtiyeedkii madasha iyo warbixin uu soo gudbiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, taas oo ku saabsan shaqada maamulka iyo maareynta Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here