Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa Maanta dhagax dhigay Wado Interlock ah oo noqoneysa wadadii 6-aad oo laga hirgelinayo Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Xaabsey ayaa u mahadcelisay Bulshada Degmada Warta Nabadda doorka ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska iyo bilicda Degmada, waxa ayna xustay in dhawaan waaxda Barwaaqo ee Noqon doonto waax Degmooyinkeeda ay wada interlock yihiin.
Ugu danbeyn Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Bulshada Caasimadda iyuuo Degmooyinka Magaalada in ay ka wada qeyb qaataan dib-u-dhiska iyo bilicda Caasimadda.