Doorashada Golayaasha Deegaanadda Maamulka Puntland ayaa saakay looga dareeray illaa 32 goobood oo isugu jira degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Maamulka Puntland, waana markii u horreysay doorasho qof iyo cod ah oo baaxadan leh ay ka dhacdo Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.